Khayre oo kulan gaar ah la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah magaalada Abu Dubai ee isutagga Imaaraadka kula yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda dalkaasi.

Kulanka dhinacyadan dhexmaray ayaa waxa uu horudhac u yahay kulamo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la qaadanayo Madaxda dalkaasi.

Wafdiga uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaaraha oo xalay gaaray dalkaasi ayaa waxaa Goroonka Diyaaradaha Magaalada Abu-dhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta H.E. Eng. Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei, waxaana u bilaabatay booqasho laba maalin ah.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda H.E. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka H.E. Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tuhmeysa in Imaaraadka Carabta uu yahay xarunta laga caawiyo Mucaaradka Soomaaliya, ee ka soo horjeeda hanaanka Madaxda Dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.