Madaxwaynaha Galmudug Ma Muqdishuu u yahay Madaxwayne Mise Galmudug?

xaaf

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada dhuusamareeb oo ah Xarunta Maamulka Galmudug, Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha dhuusamareeb ku soo dhaweeyey madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, saraakiil sarsare iyo inta badan Shacabka Magaalada Duusamareeb.

Madaxwayne Xaaf ayaa waqtigiisa inta badan ku qaata Magaalada muqdisho waxaana yar inta uu joogo deegaanka laga soo doortay ee Galmudug, Shacabka Galmudug ayaa inta badan waxay garan waayeen waxa u diiday Madaxwayne Xaaf inuu ku enagaado Maamulka Goboleedka Galmudug ee uu u Yahay Madaxwaynaha.

dhanka kale Madaxda maamul Goboleedyada ayaa waxay Magalada Muqdisho ku tagaan socdaal shaqo kaas oo inta Badan qaata Sadex ilaa Shan Maalmood kadibna deegaanadii laga soo doortay ayey dib uGu noqdaan, Lakiin Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf waxay ku qaadataa Bilo taas oo muu jinaysa inay tahay Masuuliyad daro Iyo la xisaabtan la’aan kajirata Dhanka Xildhibaanada Galmudug.

Dhawaan bay ahayd markii ay heshiis gaareen maamulka Galmudug Iyo Ahlusuna waxaana maamulka Galmudug usoo wareegeen xaruntoodii rasmiga ahayd ee Magaalada Dhusamareeb hadaba waxaa is waydiin leh heshiiskaan ay gaaren Galmudug Iyo Ahlusuna inuu isbadal keeni doono lagula xisaab tamo Madaxwayne Xaaf Iyo in kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.