Al-shabaab oo shaaciyay Magaca iyo xog ku saabsan Ninki isku qarxiyay meel u dhaw xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya

shabab

War lagu baahiyay baraha wararka ee Al-shabaab ayaa ay uga hadleen weerarkii jimcihi aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Muqdisho ee qaraxyada iyo weerarka tooska ah ahaa.

Al-shabaab ayaa waxaa ay sigaar ah uga hadleen ninkii isku qarxiyay meel u dhaw Xarunta Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka  Qaranka.

Al-shabaab waxaa ay magaca Ninka waday Gaariga ku qarxay agagaarka Hotel Dorbin ku sheegeen Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure.

Ninkan oo ay wareysatay Idaacadda Al-shabaab ee Al-Andaluus ka hor isqarxintiisa ayaa waxaa uu sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Gedo isagoo tilmaamay inuu doonayo is qarxis.

Dagaalamaysha Al-shabaab ayaa sheegta weerarada ay ka fuliyaan Gudaha dalka sidoo kale waxaa ay soo bandhigaan magacyada dadka geysta qaraxyadda waloow aysan sheegan qaraxii 14-kii October ka dhacay Zoobe ee ay dad ka badan 500 ku dhinteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.