Dowladda Kenya oo sheegtay in ay ciqaabi doonin Shabaabka isku dhiiba.

????????????????????????????????????

Xukuumada Kenya ayaa sheegtay inaysan jirin wararka ay warbaahinta tabinayaan ee ku saabsan xarig ay la daba joogto dhalinyarada kasoo baxsanaysa dhaq dhaqaaqa Al-shabaab,waxana xukuumada taas badalkeeda shaaca ka qaaday inaysan ku xadgubbeyn arimaha xaquuqda bini’aadamka.

Arintaan ayaa soo ifbaxday kadib markii ay dhalinyarada Kenya ee dega magaalooyinka xeebta dhaca ay bilaaben inay ka baxsadaan howlgalladda ciidamada Kenya oo la sheegay in lagu haayo dhibaateyn iyo dil sharciga ka baxsan.

Gudoomiyaha magaalada Mombasa Evans Achoki ayaa tilmaamay in dhalinyarada kasoo laabanaysa Al-shabaab ay gacan furan kusoo dhawenayaan.

ma dhibibaateyn doono,xukuumaddana waxa ay diyaar u tahay soo dhaweyntoodi iyo inay dhageysato baahiyadkoodi waxaan damanad qaadi doonaan amaankoodi mar hadii ay Dowladda isku soo dhibeen> sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Evans Achoki gudoomiyaha magaalada Mombasa.

Agaasimaha machadka baaritaanada ee Haki Africa Yuusuf Abubakar ayaa shaaca ka qaaday in awood ka baxsan mida sharciga oo loo adeegsado dhalinyarada ka imaanaysa dhinaca Al-shabaab ay ku qasbi doonto dhalinyarada inay xagjiriin noqdaan.

waxa uu mas’uulkaan sheegay in wadamada Syria,Iraq,Britten iyo Spain ay wajahayaan argagexiso balse aysan ku xadgudbin arimaha xaquuqda aadamaha waxana ay ku guuleysteen dagaalka argagexisada.

Booliska Kenya ayaa howlgalo balaaran ka sameenaya meelaha lagu tuhmayo inay dhalinyarada taagersan Al-shabab ay kasoo weerar tagaan,hay’adaha xaquuqda aadamaha ayaa ku eedeyay Kenya in ay si bareer ah u daldalayso dadka abriyada ah iyadoo saraakisha Kenyaanka ay arimahaasi beeniyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.