R/W Kheyre oo muddo kadib ku wajahan Imaaraadka.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha xukumada fedraalka Soomaaliya ayaa maanta u duulaya dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay isku arkeen magaalada Davos ee dalka Switzerland bishii hore Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Imaaraadka.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha xukumada fedraalka Soomaaliya ayaa labo jeer dib uga dhacay safari uu ku tagi lahaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, arrimo farsamo iyo culeysyo kale oo ka yimid Madaxtooyada Somalia awgeed ayey safardaas u baaqdeen sida ay tilmaamayaan warar kala duwan ee soo abaxaya, Kheyre ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmi doono Mas’uuliyiinta dalakasi iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya laba dal.

Kheyre ayaa sanadkii hore booqasho ku tagay dalka Qatar, xilli ay jirtay xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa dalalka Khaliijka, dalka Imaaraadka ayaa ku lug yeeshay xaalado siyaasadeed oo ka jiray Soomaaliya iyo go’aanadii Maamul goboleedyada ay uga soo horjeesteen mowqifkii dhex dhexaadnimada ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha xukumada fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ku wehlin doono xubno ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.