Golaha Ammaanka oo isku raacay xabbad joojin laga dhaqan geliyo Suuriya.

Labada kooxood ee ugu waawayn falaagada Suuriya ee gacanta ku haysa Quudada Bari ee Suuriya ayaa soo dhaweeyey qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay soo saaray ee ku baaqaya in Suuriya oo dhan laga dhaqan geliyo xabad joojin oo soddon maalmood ah.

Labada kooxood waxay ballan qaadeen in ay ilaalin doonaan kolonyooyinka gargaarka sida ee geli doona goobtaa go’doonsan ee ku taal bariga magaalada Dimishiq.

Goor dambe oo maanta ahna waxa la filayaa in madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, iyo ra’isal wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, ay dhaqan gelinta xabbad joojintan kala xaajoodaan madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Dan jiraha Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa sheegtay in ay ka shakisantahay in milatariga Suuriya u hogaansami doono xabad joojinta iyo in kale, waxa aanay sida oo kale ku dhaleecaysay Ruushka dib u dhaca in xabad joojintaa cod lagu meel mariyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.