Macalimiinta G.Waaqoy Bari Kenya oo loo sheegay in ay dambi tahay ka tagista Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda Kenya ayaa aad ugu soo hor jeystay macalimiinta Kenyaan ah ee wax ka dhiga iskuulada ku yaala Gobolka Waaqoy Bari ee Kenya, kuwaas oo dhawaan shaaciyay in ay ku noolaan Karin Gobolkaasi oo weeraro joogta ah ay ka geystaan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Hadalka macalimiinta ayaa yimid kadib markii sedax macalin iyo mid ka mid ah xaaska macalimiintaas lagu dilay Gobolkaasi, weerarkas lagu dilay macalimiinta ayaa waxaa sheegeystay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa arintaan ka hadlay wuxuuna tilmaamay bixitaanka macalimiinta ee sheegay in ay ka baxayan Gobolka waaqoy Bari in ay tahay waxii ay rabeen Al-shabaab, maadaama ayuu yiri Al-shabaab ay doonayeen in tir tiraan Dowlad nimada ka jirta Gobolkaasi, wuxuu ku cil ciliyay in ay tahay dambi qaran hadii ay ka baxaan macalimiinta Gobolka Waaqoy Bari Kenya.

Lama oga saameynta ay ku reebi doonta hadalkaan ka soo yeeray Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya Faarax Macalin Macalimiintaas sheegay in ay joojinayaan wax barashadii ay ka wadeen iskuulada ku yaala Gobolka waaqoy Bari Kenya.

Al- shabaab ayaa kordhiyay sanadkaan weerarada ay ka geystaan Gobolka waaqoy Bari ee Kenya iyo guud ahanba Gudaha dalkaasi Kenya, waxaana weerarada ay ka geystaan Kenya Al-shabaab ay bilaabeyn sanadkii 2011 xiligaas oo ciidamada Kenya ay qeyb ka noqdeen Ciidamada AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.