Qarax Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Kenya Iyo Faah Faahin Ka Soo Baxeysa

Wararka uu Radio Dalsan ka helayo gobolka Gedo ayaa waxa auu sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa Kenya qarax lagula eegtay qeybo ka mid ah Gobolkaasi.

Kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya oo qeyb ka ah kuwa AMISOM ayaa qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay xili ay ku socdaalayeen Wadada xiriirisa Buusaar iyo degmada Ceelwaaq ee isla gobolka gedo.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jugta qaraxa balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxaas,isla markaana mudo daqiiqado ah ay Ciidanka Kenya wadadaas xirteen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaas,waxa ayna sheegeen in ay burburiyeen mid ka mid ah Gaadiidka Ciidanka Kenya,isla markaana qaraxaas ay ku waxyeeloobeen qaar ka mid ah Askartii saarneyd Gaariga AMISOM.

Majiraan warar madax banana oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab ee burburinta Gaariga AMISOM iyo waxyeelada ay u geysteen ciidamada AMISOM.waxana warar kii u dambeeyay ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.