Madaxweyne Erdogan oo booqanaya afar wadan oo Afrikaan ah.

Recep Tayyib Erdogan Madaxweynaha wadanka Turkiga ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta maalmo wuxuu ku bixin doonaa afar dal oo Afrikaan ah.

Madaxweynaha Turkiga ayaa booqanaya dalalka kala ah:- Algeria, Mauritania, Senegal iyo Mali, waxaana uu kulamo la qaadan doonaa madaxda wadamadaas uu kala hadli doono arimo kala duwan oo laba dalka ay dan ugu jirto.

Safarka Erdogan ayaa saameyn kala duwan ku yeelanaya wadamadaan Qaarada Afrika dhaca, wuxuu ku horeyn doonaa wadanka Algeria oo uu tagayo 26ka bishaan, waana markii labaad oo maadxweyne Turki ah uu tago wadanka Algeria, dhankale wadamada Mauritania iyo Mali ayaa noqon doonta booqashada uu ku tagayo tii u horeysay ee Madaxweyne Turki ku tago dalalkaas.

Booqashadaan uu maadxweynaha Turkiga uu ku tagayo wadamo ka tirsan Qaaradaan Afrika ayaa imaneysa kadib Bishii December ee sanadkii hore xiligaas oo Madaxweynaha Turkiga uu booqasho afar cisho qaadatay ku kala bixiyay dalalka Sudan, Chad iyo Tunisa, tan iyo sanadkii 2004 Erdogan ayaa booqasho ku tagay 24 dal oo Afrikan ah, kuwaasoo intooda badan heshiisyo labo geesood uu la soo saxiixday.

Safarka Madaxweynaha Turkiga uu ku bixinaayo afartaan  wadan oo dhaca Qaarada Afrika ayaa waxaa shaaciyay madaxtooyada wadankaas Turkiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.