Puntland oo amaro ka soo saartay shirarka aan sharciga aheen ee ka dhaca deegaanada Maamulkaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in laga digaayo qabashada shirarka lagu abaabulayo xasilooni darada Puntland  iyo ka qeyb galkiisaba ee ka dhaca gudaha deegaanada Puntland, kuwaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin sharci darro, ciddii lagu qabtana sharciga la hor geyn doono.

War ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha kuna socday Wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaas ayaa lagu sheegay in la mamnuucay shirarka lagu kala qeybinayo dhallinyarada Puntland.

Laamaha amaanka ee Puntland ayaa la faray dhaqan gilinta warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.