Abaaraha Gobolka Gedo kusoo noq-noqday Sidee looga Hortagi Karaa? W/Q Cali Somali

Waa qayb kamid ah Maqaal aan 2014-tii ka Qoray abaaraha Gobalka Gedo kusoo noq-noqday waxa sababay, iyo tallooyin ku saabsan habka loo mareen karo. …………………………………………………………………………
Abaaraha Gobolka Gedo kusoo noq-noqday Sidee looga Hortagi Karaa?.
Abaarta waa biyo yaraanta ku dhacda dhul ama roobkii la filaayey oo la waayey,taasoo dhaxalsiisay beeraleeyda iyo xoolo dhaqatadii Deegaanka ineey ka rajo dhigaan biyihii ay wax ku beeran lahaayeen ama biyihii iyo Baadkii ay xooluhu cabbi ama cuni lahaayeen.
Abaaruhu waa arin rabigeena ku xiran,waana waxyaabaha dadka lagu aafeeyo,balse waxay ku timaadaa sababo badan oo is-biirsadey,waxaana ka mid ah ;
Nabadgelyo la,aan ama xasilooni darro ka dhacda wadan, sidoo kalana Maamul xumo iyo agaasin la’aan ku timaada habkii iyo qaabkii loo maareeyn lahaa siyaasada horumarineed ee biyaha, deegaanka,iyo xaalufin ku timaada dhirta,iyo nabadguur ku dhaca dhulka.
Abaaruhu waxay ku yimaadaan dhowr waxyaabood oo kala ah:
• Mid ay keenaan bini-aadamku (human induced disaster).
•Kuwo dabiici ama rabaani ah (natural disaster).
Tan uu qofku sababta u noqdo waa tan ugu mushkilada badan oo xalkeeduna noqdo mid ay dhaxlaan dhalaankoodu ,haddii aan wax laga qaban. dhibaatada abaareed ee Gobalka Gedo waa mid ka soo bilaabatey habka maamul xumo ee ka jiro Gobalka iyo Nabadgelyo la’aan ka dhacdey.
Sidee looga horti karaa abaraha soo noqnoqdey?
maadaama ey Gobalka soo mareen abaaro ba,an waxaan isleeyahay waa looga bixi karaa sidaan :
• biyihii roobka ee da’ay in la kaydsado ama la joojiyo oo meel lagu shubto “rainwater harvesting”, si loo isticaalo xiliyada abaarta .
• in la ururiyo macluumaad ku saabsan biyaha la isticmaalayo iyo dadka meesha ku nool Qiyaastooda tiro inteey le’eg yihiin ,si loo ogaado dadku biyaha ay haystaan iyo inta ku filan xiligaas.
• Hagaajinta biyo xireeno yaryar.
• Nabaadguurka ku dhaca dhul daaqsimeedkii oo lala socdo sida jarista dhirta imw.
• In la sameeyo aqoonyahano cilmi u leh abaaraha iyo xaalufka dhulkaba,si ay u soo diyaariyaan daraasado sheegaya habkii iyo xeelada ugu fudud ee wax looga qaban karo.
• in lasameeyo gurmad dal iyo dibadbo oon lasugin Dowlad iyo maamul balse shacabdka dhaxdiisa isu gurmado .

Ugudanbeyn: Xaalada abaaruhu waxay ahaanayaan kuwo joogta ah, haddii aan looga hortegin hab diyaarsan oo leh barnaamijkiisa, kaasoo ay soo diyaariyeen dad Aqoon u leh arrimahaan wax laga qabanayo sidii loo wajihi lahaa.
Abaaraha mar kasta Gobalka ka jira waxay ubaahan yihiin xal lagu yareeyo. waana in Bulshadu sameeysaa sanduuq dhaqaale abaareed, si looga hortago kumanaan Duunyo iyo Dad oo la il-daran hadda abaarta, hadeeysan cunto iyo nafaqo lagu badbaadiyo helin.
W/Q Cali sheikh aadan Yuusuf “Cali Somali”

3 Comments

  1. A/c.w.w walaalkay Cali Somalia
    Waadkumahadsantahay maqaalkaaga iyo dareenkaaga sareeya
    Maasha ALLAAH waxaanse kugula talin lahaa inaad ogaato oo lasocoto dadaalada ay waddo hay.adda alraxma oo kusaabsan biyo uraadinta gobolka iyo meeshay waxmarayaan
    Iyo waxaad la qabankarto talo iyo tabarba

  2. A/c.w.w walaalkay Cali Somalia
    Waadkumahadsantahay maqaalkaaga iyo dareenkaaga sareeya
    Maasha ALLAAH waxaanse kugula talin lahaa inaad ogaato oo lasocoto dadaalada ay waddo hay.adda alraxma oo kusaabsan biyo uraadinta gobolka iyo meeshay waxmarayaan
    Iyo waxaad la qabankarto talo iyo tabarba

  3. Waxan radinayay website yaal Somaliyeey oo si aqli ahaan kusaabsan ugu farcelinayo. Sanadyasha 2016— 2018 waa qofka aan arko aragtidada aad u wanaagsan👏🏽 Si aqli lehna war bixin fcn naga siisay. Aniga wxa sameynoya document: kaas oo ah aragtida kala Duwan ee qaban bulshada Somaliyeey xag ma abaraha ey katimid, sida loga bixi karo, faaídada ey ledahay in aan garab istaagno “beeraleyda” iyo kuwa dhirta abuurato, side dalka shaqo loga abuuri karaa, faa idada barwaqada balka. War bixin badan ayaan iku aruu rinoyaa.

    Ramadaan wanaagsan wll

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.