Ciidamada dowlada oo soo afjaray howlgalladii Caawa Ka dhacay Muqdisho”Sawiro”

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ilaalada Madaxtooyada Qaranka ayaa caawa soo afjaray howlgallo ay kaga hortageen dhagar qabayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday baro koontarool oo laga soo galo Madaxtooyada.
Ciidamada ayaa xaqiijiyay inay toogasho ku dileen ilaa iyo shan ka tirsan Al-Shabaab oo soo xirtay darees loo ekeysiiyay kuwa ciidamada amniga, waxaana labo ka mid ah lagu dilay bar koontarool oo ciidamadu ay ku leeyihiin Taalada Sayidka, halkaasi oo ay xoog ku soo mareen markii ay ciidamadu ka shakiyeen.
Gaari walxaha qaraxa lagu soo xiray oo ay wateen maleeshiyada ayaa ku qarxay meel u dhaw Taalada Dhagaxtuur, kaasi oo ay ciidamada jooga Sayidka ku guuleyteen inay taayarada ka banjariyaan ka hor inta aan ka soo gudbin halkaasi, waxaana saddexdii kale ee gaariga saarneyd lagu toogtay aga gaarka Hotel Siyaad, kuwaasi oo doonayay inay xoog ku soo maraan barciidan oo kale.

Qasaaraha weerarkii caawa ayay laamaha amaanka ku sheegeen inay gaareyso 10 qof oo shan ka mid ah ay yihin maleeshiyaadka Al-Shabab, halka shanta kale ay ahaayeen shacab goobahaasi ka agdhawaa.
Dhina kale qarax ayaa isna ka dhacay goobta baabuurta la dhigto oo ku taala Hotelka Dorbin ee Degmada Shibis, kaasi oo sababay qasaaro iusug jira dhimasho iyo dhaawac.
Xigasho warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.