Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo isu socodka Magaalada oo Caadi kusoo Noqday

qarax

Wararka ka imaanaya magalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Qaraxyo iyo Rasaas ay Xili Maqrabkii ah ay ka dhaceen Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya iyo meel u dhow Hoteel Dorbin oo dhawaan laga furay Magaalada Muqdisho kaas oo ku dhow Isgoyska Jubba iyo Xarunta ugu weyn Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Dagaalamayaal hubeysan ay Rasaas isku weedaarsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya Nawaaxiga Hoteel Sayidka oo u dhow Xarunta Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa waxay ku darayaan kooxdii Alshababka ee dulaanka soo qaaday in la laayey dhaq dhaqaaqa dadwaynahana caadi kusoo Noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.