Sawiro:-Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Tababar U Soo Xiray 130 Askari

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Tababarkaan oo mudo 90-cisho ah socday ayaa Ciidanka ka faa’ideystay oo gaarayay 130-askari,waxaana inta uu socday lagu barayay tababar la xiriira howlaha Waajibaadkooda ciidanimo iyo siday uga soo dhalaali karaan howlaha loo igmaday.

Goobta tababarka loogu soo xirayay Ciidamada ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Taliyaha Ciidamada 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gaashaanle sare Cali Maxamed Ali afcadey,Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/llaahi Cali Caanood iyo Saraakiil ciidan,kuwaasi oo dhamaantood ciidanka tababarka dhameystay ku amaanay dhabarka adeega ay muujiyeen mudada uu socday.

Ugu horeyn ayaa goobta waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada 60-aad ee Ururka ilaalada madaxtooyada Cali Maxamed Ali Afcadey,wuxuuna askarta tababarka dhameystay ku amaanay dadaalka ay muujiyeen mudadii uu tababarka socday.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal C/llaahi Cali Caanood oo madasha ka hadlay ayaa Yiri” Waxaa naga go’an xoojinta iyo dhismaha Ciidanka Xoogga dalka,Ururka Ciidanka ilaalada madaxtooyada waxaan gaarsiin doonaa heer aad u sareeya si ay madaxda Qaranka amaankooda u sugaan”.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xiray Tababarka ayaa bogaadiyay dhabarka adeega Ciidanka ay muujiyeen mudada tababarka uu socday,isagoona tababar kale goobta uga furay Ciidan kale oo ka tirsan Ururkaasi.

Ururka 60-aad ee Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo ah Ciidan gaar ah ilaalinta madaxtooyada iyo madaxda Qaranka ayaa lagu xusuustaa doorka ay ka qaateen socdaalkii Nabada uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ku tagay Maamulada Puntland iyo Galmudug,kuwaasi oo si weyn u sugayay amaanka Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxame C/llaahi Farmaajo.

Hoos Ka Daawo Sawirrada tababarka Ciidamada loo soo xiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.