Masuuliyiin sare oo ka socda Hirshabeelle oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Dalakasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, iyadoona kulan ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada ay ugu wada hadleen arimo dhowr ah oo la xariiro sidii Dowlada jabuuti ay ugu qeyb qaadan laheen horo marinta deegaanada Maamulka Hirshabeelle iyo howlgalka ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Socdaalkaan Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle uu ku joogo magaalada Jabuuti ayaa waxaa ku wehlinaayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil ka mid ah ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan, kuwaas oo madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladaha guud ee gobolka iyo howlgalka AMISOM ee qeyb ka tahay Jabuuti.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed cabdi Waare iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay, Wasiirka Difaaca Jabuuti iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalakaasi.

Maxamed Cabdi waare oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu uu ka mahad celiyay soo dhoweyntii loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna sidoo kale xusay in ciidamada Jabuuti ee ku sugan Hiiraan ay door weyn ka qaadeyn nabadeynta iyo amni soo celinta Hirshabeelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.