Ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Baardheere.

Wararka laga helaayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaay in degmadaas ay ku dagaalameen Ciidamo Itoobiyaan ah  iyo Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee Degmada baardheere ee Gobolkaas Gedo.

Dagaalkan ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta si aad ah looga maqlayay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Dad ku sugan degmada Baardheer ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalka uu ahaay midkii ugu cuslay ee Degmadaasi ka dhaca mudooyinkii danbe, waxaa sidoo kala dadka deegaanka ay noo xaqiijiyeen in dagaalkaas uu ka dhashay khasaare kala duwan laakiin ay hubin inta ay la egyahay khasaaraha dagaalkaas ka dhashay.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo ka soo baxeysa dagaalkaasi, marka laga reebo Al-shabaab oo baraha warkooda ay ku faafiyaan ku soo qoray in dagaalkaas ay guula ka gaareen, dhanka saraakiisha ciidamada la weeraray ee Itoobiya ayaa ka hadlin dagaalkaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray dhankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.