Dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo Doolar oo lagu qabtay garoon ku yaalla Kenya

Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Nin u dhashay dalka Tanzaniya ka hor inta uusan korin diyaarad ku sii jeeday magaalada Dubai.

Sidda ay xaqiijiyeen laamaha Amniga Ninkan ayaa waxaa lagu qabtay dahab lagu qiimeeyay 1 milyan oo doolar.

Ninkan Tanzaaniyaanka ah oo 46 jirka ah ayaa markii la xirayay waxa uu siday 32 kg oo ah dahabkan qiimaha badan.

Laamaha dowladda Kenya ayaa sheegay in tillaabadan ay qaadeen ka dib markii ay heleen macluumaad arrintan ku saabsan.

Sida uu qoray wargayska Standard ninkani ayaa ka yimid degaanka Mwanza isaga oo soo maray Kilimanjaro.

Booliiska Kenya ayaa imika wada baaritaan arrintan ku la xiriira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.