Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo soo dhaweeyay diblomaasiyiin Soomaali ah oo Turkiga tababar u jooga +Sawirro

Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta tababarka u socda inay noqdaan kuwa ka faa’ideysta casharada, ayna bilow cusub u noqdaan isbadallada guusha leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay hiigsanayso, isaga oo xusay in tababarada lagu tayeynayo howlwadeennada kala duwan ee hey’adaha dowladda ay tahay mas’uuliyad weyn oo ay muujiyeen, waxaanu caddeeyay in kooxdii labaad ee Wasaaradda Beeraha ka socota lagu tababari doono dalka Turkiga si dalku u noqdo mid isku filnaada xagga cunnada iyo wax soo saarka.

Amb. Jama Abdullahi Mohamed oo la hadlayay diblomaasiyiintaasi ayaa yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waa muraayadda dalka, waa wejiga laga eegayo qarankeena, waa inaad noqotaan kuwa hagaajiya wejigaasi oo wax weyn ka badala habka shaqo ee xilligan”.

Danjiraha waxa uu ammaanay taageerada is xilqaanka leh ee Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga ay u fidiyeen walaalahooda Soomaaliya, isaga oo xusay in dalkiisu weli u baahan yahay taageero dhinacya badan leh sida dib u dhiska kaabayaasha kala duwan ee dhaqaallaha si qaranku u noqdo mid isku filan.

Casha sharaftan soo dhaweeynta ah waxaa Safiirka ku wehlinayay Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mudane, Bishar Ugaas Ibrahim iyo Qunsulka Safaaradda Mudane, Suleiman Mohamed Karshe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.