Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare oo xukumadda ku booriyay in la hirgaliyo Shan Xarumood oo muhiim ah

Gudoomiyaha golaha aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Cabdi  Xaashi Cabdulaahi ayaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya  u soo jeediyay in ay ku dadaasho hirgalinta Xarumaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanka , Akadeemiyad Goboleedka AGAH, Golaha murtida iyo Madadaalada ,Maktabada iyo Laybareegiga oo muhiim u ah dowladda.

Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada waa muhiin in dib u habeyn lagu sameeyo sababtoo ah waa isku xeraha dowladda iyo Shacabka, waxaana loo baahan yahay inloo istaago dib u dhiskoda iyo qalabeeyntooda  si logu adeegsado shaqooyinkii muhiimka ahaa ee loga talagalay.

Gudoomiye  Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa hadalka ka jeediyay munaasibadii lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta oo lagu maamusayay Afka hooyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.