Ganacsato Maamulka Hirshabeele Saldhiga Jowhar ugu Xernaa oo xabsiga laga sii daayay.

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele ayaa waxaa galabta laga sii daayay inkabadan 15 kamid ah Ganacsatada xoolaha ee magaaladaasi oo xalay xabsiga la dhigay kadib markii la sheegay in ay Al-shabaab la soo kulmeen.

Sii deeynta ragani oo tiradoodu gaareyso 17 ganacsato ka shaqeeya Xoolaha nool ayaa timid kadib dedaalo badan oo ay bixiyaan ehelada dadka xernaa  iyo qar kamid ah mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

inta la sii deyn kahor ayaa la tilmaamay in Saraakiisha Booliska ee Maamulka Hirshabeele ay raga xernaa la yeesheen wareysiyo dheer oo lagu weeydiinayo sababta ku kaliftay in ay Al-shabaab ugu tagaan deegaan dhowr KM u jira Magaalada Jowhar  iyo Waxyaabaha lagala soo hadlay.

ugu danbeyn ayay galabta ehelada dadkaasi iyo Mas’uuliyiinta  Mamulka Hirshabele iyo Kan Gobolka Shabeelaha Dhexe ku guuleysteen in xabsiga laga sii daayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.