Baarlamaanka Hirshabeelle oo go`aan ka gaaraya Xildhibaanada ka maqan kulamadooda.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeele aaya sheegaya in Barlamaanka Hirshabeelle kulanka  maanta ay yeelanayaan ay kaga doodi doonaan Sida laga yeelayo xubnaha xildhibaanada ee ka maqanaada kulamada Barlamaanka cudur daar la`aan arintaas oo noqday mid soo lab laabto sida ay sheegen gudiyada barlamaanka Hirshabeelle.

Xubnaha ka midka ah Gudiyada Barlamaanka Hirshabeele ayaa maanta horgeyn doono Xildhibaanada Barlamaanka Hirshabeelle,  qodobada qabanaya xildhibaanada ka maqnaan kulamada Barlamaanka.

Warar hoose ayaa tilmaamaya in xildhibaanada ka maqan kulamada barlamaanka Hirshabeelle qaar kood ay joogaan magaalada muqdisho oo ay dagan yihiin isla markaana ay ka qeyb galin kulamada barlamaanka Hirshabeelle ee ka dhaca magaalada jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Maanta ayaa la filayaa in go`aamo ay ka soo baxaan kulanka ay yeelanayaan Barlamaanka Maamulka Hirshabeelle, go`aamadaasi oo la filayo inay noqdaan kuwoo xal loogu helo xildhibaanada dagan muqdisho ee tagin kulamada Barlamaanka Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.