Akhriso:-Maxaa Ka Jira In Askari Ka Tirsan Ciidamada Mareykanka Lagu Dilay Soomaaliya?

War qoraal ah oo ka soo baxay  Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa lagu beeniyay in Askari Mareykan ah lagu dilay Soomaaliya kadib markii Warkaas uu ka soo baxay Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in warkaas uusan waxba ka jirin isla markaana dagaalkii ka dhacay duleedka Kismaayo aanan lagu dilin Askari ka tirsan ciidamada Mareykanka ee howlgalka ka wada Soomaaliya.

Dhinaca kale Taliska Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Warka ka soo baxay waxaa lagu sheegay in mareykanka uu siiwadi doono howlgallada uu ku beegsanayo Saldhigyada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Talaadadii Shalay ayaa Al-Shabaab waxa ay Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in dagaal ay Jubbada Hoose kula galeen ciidamo Mareykan iyo AMISOM isugu jira ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Mareykanka balse Mareykanku uu Warkaasi beeniyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.