Akhriso:-Waa Sidee Saakay Dhaqdhaqaaqa Ganacsi Ee Suuqa Bakaaraha?

Dhaqdhaqaaqii ganacsiga Suuqa wayn Bakaaraha ayaa saaka dib loo furay sida ay sheegeen Guddiga ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa sheegay inay u naxeen dadka muruqmaalka ah ee Suuqa ganacsigooda uu ku tiirsan yahay, waxaana ay intaasi ku dareen in dib loo bilaabay shaqada.

Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Dhiif, ayaa sheegay wali inay taagan tahay dhibaatada ka dhalatay canshuurta dowladda ay soo rogtay.

Wuxuu sheegay dowladda Somaliya inay ka codsanayaan in canshuurtaasi habka loo maareyn karo ee wanaagsan loo maro, iyadoo ganacsatada Gobolka Banaadir aysan diidaneyn habka bixinta canshuuraha dalka.

Gudoomiye Xasan Dhiif wuxuu tilmaamay Dhaqdhaqaaqa ganacsiga Suuqa Bakaaraha inuu furan yahay dadkana ay u shaqo tagi karaan, kadib saddex cisho oo uu xirnaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.