Tarsan oo ka hadlay wadooyinka xiran ee Muqdisho

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho hadana ah La Taliyaha dhanka Siyaasadda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho iyo ciriiriga ka jira.

Tarsan ayaa marka hore sheegay in wax loo dulqaadan karo aysan aheyn Masuul kasta oo ka tirsan Dowladda Federaalka inuu iska xirto wado, taasina ay dhibaato ku tahay shacabka Soomaaliyeed adeegyadooda.

Wuxuu sheegay in uusan amni sugin Dhagax, balse keliya amniga lagu sugi karo Sharci, Aqoon iyo Ciidan, wuxuuna tilmaamay wadooyinka xiran in shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan mid ciqaab ah, oo lagu xakameynayo dhaq dhaqaaqooda.

Sidoo kale La Taliye Tarsan ayaa dalbaday in la furo dhammaan wadooyinka xiran ee Muqdisho, culeyskana laga qaado wadada Maka Al-mukarama, si adeegyada bulshada ay si toos ah isugu furmaan oo ay u gaaraan dhammaan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay marka ay dalka ka dhoofayaan ama ay imaanayaan Madaxda dalka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha daqiiqahaas wadada la xirayo muhiim in ay tahay shacabka in lagu wargeliyo, si aysan ugu noqon arrin aysan filyen, oo culeys ay ku keento.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya dhaqamada sanadihii dambe ku soo kordhay ayaa ah wado hada iyadoo furan shacabka isticmaalayeen mar kaliya la arko iyada oo xiran oo gaadiidka loo diidayo, iyadoo aysan ogeyn shacabka sababta wadada loo xiray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.