Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre Oo Mucaaradka Dowlada Siinaya Wasiiro

Sida aan kasoo xigan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia waxaa socda qorsho Xukuumada Somalia ay uga soo dhexmuuqan lahaayen Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Daljir.

Qorshahaani oo kasoo bilowday magaalada Cadaado, iminkana ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa wada Xubno ku dhow dhow Madaxweynaha Somalia, iyadoo ujeedka ugu weyn ee isku soo dhaweyntaani uu yahay in Seddexda sano ee u harsan Farmaajo lagu dhameeyo Siyaasad degan.

Qorshaha socda ayaa ah in Xisbiga Daljir lasiiyo Wasaarada Amniga iyo laba Wasiir kuxigeen oo ay kala qaadan doonaan xubno kala beel ah, oo midi uu ka imaan doono baarlamaanka Somalia.Madaxweyne Farmaajo oo xiliga doorashadiisa codadka ugu badan ka helay Xildhibaanada Daljir ayaa iminka u muuqda mid garwaaqsaday in dowladiisa ay xal ku raadiso Siyaasada cakiran, waxaana xusid mudan in Xildhibaano miisaan badan ay kamid yihiin Daljir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.