R/W Khayrre iyo Ganacsatada Muqdisho oo yeeshay kulan Natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

khayre

Mudooyinkaan dambe waxaa hakad ku jira shaqada Dekada magaalada muqdisho oo aan u socon sidii loogu talo galay kadib markii ganacsatada gobolka Banaadir ay joojiyaan in ay la baxaan Badeecadaha uga jira gudaha Dekada iskaba daa in mid cusub keenaane taasi oo ay kaga biyi diidsan yihiin canshuur lagu soo rogay in laga qaado taas oo ah % 5 qiimaha badeecada ay keenaan.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mudo todobaad gudahiis ah  tiro laba jeer ah qabtay shir jaraa’id oo u arintaasi kaga hadlayay, isagoo walaac ka muujiyay is faham darada u dhaxeeya Dowladda iyo Ganacsatada.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa dhankooda kulan ay yeesheen waxay ku diideyn Canshuurta dheeriga ah ee lagu soo rogay , taasi oo noqotay in labada dhinac soo kala dhex-galo isfaham waa keenay in arintu gaarto Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Saacadiihi la soo dhaafay waxaa muqdisho kulan ku yeeshay Ra’iisal Wasaare Khayrre iyo Ganacsatada Muqdisho, waxayna labada dhinac isku fahmi waayeen Xalinta cabashadii ay qabeen Ganacsatada.

Wararka aan helaysno ayaa sheegaya in Ganacsatada ay diideyn bixinta lacagta lagu soo kordhiyay Dekadda Muqdisho, halka Xukumadana ay dalbatay in la bixiyo lacagta dheeraadka ah.

Sidoo kale Xukumadda Khayrre ayaa Ganacsatada ka dalbatay in ay sii socoto shaqada Dekadda oo todobaad hakad ku jirto, Ganacsatada ayaa la feliyaa in maanta yeeshaan kulan kale oo u gaar ah kaas oo ay kaga hadlayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen Muranka Dekadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.