Maamulka Kismaayo Ka taliya oo ka hor istaagay wariye Saabir inuu Caafimaad u aado Muqdisho

saabir

Wariye Saabir Cabdiqaadir Warsame oo dhawaan ay Xireen Maamulka Axmed madoobe ee Kismaayo ka taliya ayaa maanta waxay laga soo celiyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo mar uu rabay inuu Caafimaad u aado magaalo madaxda Dalka Soomaliya ee Muqdisho.

Warbaahinta Gedotimes oo la xariirtay Nabadsugida Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegeen in Wariye Saabir Cabdiqaadir Warsame Maanta laga soo ceshey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo amarka Lagu Joojiyey wariye Saabir Socdaalkiisa uu kasoo baxay Madaxtooyada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa waxuu Cadaadis badan ku hayaa Bulshada Kusugan Magaalada Kismaayo waxaana Xarig, Masaafurin dil,Boob Iyo Barakicin loo gaystay Xildhibanada Iyo shacabka Jubbaland.

Wararkeena Dambe kala socda waxii kasoo kordha Xaalka wariye Saabir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.