Dab xalay qabsaday Suuq ku yaala Degmada Heliwaa.

Wararka ka imaanaya degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dab uu qabsaday suuq ku yaala degmadaasi gaar ahaan suuqa Daryeel.

Qof goob jooje ku sugan xafada ayaa sheegay in uu arkay qeyb ka mid ah suuqa daryeel oo bur buray isla markaana ay in dhahiisa  qabteel Dukaamo, Bakhaaro iyo goobo kale oo gubtay.

Sida dadka deegaanka ay noo xa qiijiyeen dabka ayaa kacay xalay fiidkii, iyadoona dadka ay tilmaameen in si dag dag ah aan loo daminin dabkaas taasina ay sababtay in khasaaro badan uu dhasho.

Dabka ayaa ka dhashay koronto khasaaro hantiyadeed ayuu geystay xalay xili danbe ayaa lagu guuleystay in la damiyo suuqa daryeel ayaa saaki furneen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.