DFS oo soo dhaweysay wadahadalka u socda ONLF iyo Itoobiya.

wasiir

Wasiirka arimaha dibada xukumada fedraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa soo dhaweeyay wadahadalka u dhaxeeya dowlada itoobiya iyo jabhada ONLF kaas oo ka soconayo Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Axmed Ciise Cawad wasiirka arimaha dibada soomaaliya ayaa tilmaamay in ay soo dhaweynayaan wadahal kasta oo gobolka dan ugu jirto, iyo maslaxadda Guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Xubno ka socda dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa shir qaatay muddo ku dhaw todobaad waxaa ugu soconayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaan jira qodobo dhowr ah oo ay isku mari la`ayiin labada dhinac, kuwaas la tilmaamay in ay sii dheereeyeen wadahadalka u dhaxeeya Itoobiya iyo Jabhada ONLF.

Dhankale wasiirka arimaha dibada xukumada fedraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa soo hadal qaaday wadahadalka u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland, wuxuuna wasiirka tilmaamay in dowlada soomaaliya ay mar walbo ka go`antahay sii socoshada wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Wasiirka ayaan carabaabin xiliga sida rasmiga ah uu u furmi doono wadahadaladaasi u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa ugu danbeyn shaaciyay in si deg deg ah ay dowlada Soomaaliya ay u magacaabi doonto safiirada wadamo badan oo hadda Dowlada Soomaaliya ay danjira yaal u joogin, wadamadaas ayaa gaaraya ilaa 11 wadan waxaana ka mid ah, Imaaraadka, Qadar, Mareykanaka, Kenya, Kuwait iyo kuwoo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.