Doorashada kursi ka banaan BFS oo hada ka socota Kismaayo.

Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegayo in goor-dhaw halkaasi ka bilaabatay doorashada kursi ka banaan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursigaan doorashadiisa maanta ka dhaceyso Kismaayo ayaa waxaa ka Geeriyooday Alle ha u naxariistee Wasiir Cabaas Sh. C/llaahi Siraaji oo muddo ka hor lagu dilay meel u dhaw Madaxtooyada Sooomaaliya.

Labo qof oo kala ah rag iyo dumar ayaa u tartamaya Xilkaan, waxaana lagu kala magacaabaa Maxamed Sh. C/laahi Siraaji oo la dhashay Marxuumka dhintay ee Wasiir Siraaji iyo Fardowso Xuseen Maxamed oo sidoo kale ay qaraabo dhaw yihiin marxuum Cabaas siraaji.

Qaar ka mid ah Ergada doorashada Kismaayo ayaa sheegaya in loo saadaalinayo Maxamed Sh. C/llaahi Siraaji oo la dhashay Wasiir Siraaji.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.