Xildhibaan Dalxa”Dowladda ha joojiso howlgalada Sh/Hoose, hadii aysan ku nagaan karin goobaha ay qabsadaan”

dalxa

Todobaad kaan ayey aheed markii howgal ay hogaaminayeen ciidamada DANAD, iyo kuwoo kale oo ka mid ah ciidamda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamo Mareykan ah ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, oo badi ciidamadaas ay lawareegeen deegaanadii ay gaareen.

Ciidamada ayaa howgalka waxay ka sameeyeen Ow-dheegle, Qoryoolay, Mubaarak  Kuntuwaarey , Janaalle iyo meelo kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa dhamaan la sheegay in ay qabsadeyn goobahaan Ciidamada Milatariga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Maraykanka.

Sidoo Kale Ciidamada ayaa la sheegay in ay qabsadeyn Tuulooyinka Arimooy, Durgaal iyo saldhigii ugu weynaa ee Al-shabaab oo la sheegay in uu ku yaalay deegaanka Doon-buraale ee gobalka Shabeelaha Hoose ka mid ah.

Laakiin isla maalintii ayaa ciidamaadan waxay ka soo baxeen oo ay dib ugu soo laabteen deeganadii ay la wareegeen oo horay ay ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Masuuliyiin ka mid ah maamulka Koofur Galbeed iyo Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa ku dhaliilay saraakiishii hogaamineysay ciidamadii todobaadkaan la wareegay dibna ugu soo laabtay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Golaha Shacabka  ayaa saraakiisha ciidamada dowlada ka dalbaday in ciidamada Soomaaliya eysan sameymin dhaq dhaqaaq ciidan oo ay kula wareegayaan deegaano gacanta ugu jira dagaalamayaasha Al-shabaab hadii aysan u diyaarsaneen ciidamada in goobaghaas ay ku sugnaadaan.

Dalabkaan loo soo jeediyay Saraakiisha Ciidamada dowlada ayaan la ogeen sida u meel-mari doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.