DEG DEG:-Maxamuud Cabdullaahi Siraaji Oo Ku Soo Baxay Doorashada Kursi Bannaanaa Golaha Shacabka

siraaji

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Goordhow ku soo gaba gabowday doorashada Kursi ka bannaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya

Kursigaan ayaa ka mid ah kuraasta ka bannaanaa  Golaha Shacabka waxaana Maanta ku tartamaya Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo la dhashay Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji iyo Gabar lagu Magacaabo Fardowso Xassan Maxamuud.

Wareega Koowaad aya lagu kala baxay maadaama doorashadaan aysan aheyn mid adag oo laba qof kaliya ay ku tartamayeen.

Ntiijada codadkii la kala helay ayaa waxa ay noqdeen Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo helay 50 Cod iyo Fardowso Xaseen Maxamed oo aan helin wax cod ah  halka 1 Cod uu halaabay.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Xubintii Xildhibaanimo ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji uu ku soo baxay Maxamuud Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo ah walaalka Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo 3-dii Bishii may ee Sanadkii tegay ee 2017 lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.