Maqal iyo Muuqaal:Wafdi Ka Socda Dowladda Somaliya Oo Booqday Xaruunta Dhimirka

isbitaal

Gudiga Xasilinta Degmada Caabudwaaq ayaa maantay kormeerey Xarunta Dhimirka ee Caabudwaaq
Gudigaan Xasalinta degmada Caabudwaaq oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowlad goboleedka Galmudug,Qurba-joog,iyo Masuuliyiin katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa kormeerkooda ku wehelinayay masuuliyiin katirsan maamulka degmada Caabudwaaq
Ujeedka Koormeerkaan ay kutageen Masuuliyiintaan Xarunta Dadka dhimirka la’ ee magaalada Caabudwaaq ee Shifo Mental Hospital Caabudwaaq ayaa ahayd in ay ogaadaan Baahida ay qabaan dadka lagu xanaaneeyo Xaruntaan.
Cabdirisaaq Jaamac Garas oo ah Maamulaha Xuruntaan, Dr Cabdirisaaq Cabdulaahi Cumar iyo Iraado Xaaji Guuleed ayaa sheegay in aysan ka helin Caawinaadii ay uga baahnaayeen Dowladada Federaalka Soomaaliya,Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Hay’addaha qaabilsan Ugar gaarida dadka dhimirka ka xanuunsan waxaana ay xuseen Qurba joogta oo hirgalinta xuruntaan kaalin weyn kulahayd aysan hadda ka helin wax Caawinaad ah.
Wasiir kuxigeenka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Galmudug Cabdiraxiin Axmed Cigaal iyo Xildhibaan Farxiyo Cabdulaahi Shiikh Doon oo kamid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay wax ka qabanayaan Baahiyaha ay qabaan Dadka lagu xanaaneeyo xaruntaan.
Xubno katirsan Guddiga Xasilinta degmada Caabudwaaq oo iskugu jirey Qurba joog iyo Lataliyaal ka socdey Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maamulka Xarunta usheegay in Baahidooda ay lawadaagi doonaan Dowlada dhexe iyo Hay’addaha Caalamka.
Ugu danbayntii ayaa Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi waxaa uu ugu baaqay Qurba-joogta in aysan marnaba hilmaamin Walaalahooda Dhimirka Kaxanuunsan loona baahan yahay sidii ay horey Xaruntaan ugu dhiseen in ay haddana ugarab istaagan.
Hoss kadhagyso warbixintii ayaanle cabdulaahi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.