Shir looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya oo ka dhacay dalka Pakistan

khader

Shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga Africa iyo Pakistan oo ka dhacay Magaalada Peshawar ee dalka Pakistan ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin katirsan Safaraadda Somaaliya oo uu horkacayay u qeybsamaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Safaaradda.

Uqaybsanaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Saafardda Soomaaliya ee Pakistan Khadar Dheen Guueled ayaa ka jeediyay qudbad hoga tusaaleynaysa kana xog warameysa dhaqaalaha dalka iyo sida Soomaaliya diyaar ugu tahay in horumuud ka noqoto mashruuca ay pakistan ku damacsantahay in ay ku faafto suuqyada africa .

Khadar Dheen Guuled ayaa yiri ” Dowlada Soomaaliya waliba Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa ka go’an wanaajinta xiriirka ganacsi ee labada dal, waxaana tusaale u ah wareegto cusub oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga, taasoo ahayd in Soomaaliya diiradda saarto wanaajinta xirrirka ganacsi ee 16-Wadan oo safka hore ay uga jirto Pakistan na waxay ka gashay kaalinta labaad”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.