Maxkamadda Caalimiga ah ee ICJ oo Soomaaliya u ogolaatay in ay geyso Jawaab ku aadan muranka Badda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaladda ayaa Soomaaliya u ogolaatay in ay maxkamdda geeyso Jawaab ku aadan Kiiska Badda ee u dhexeeya Soomaaliya ee Kenya, sida uu ku waramay daily nation.

Tilaabadaani waxay Horseedi doontaa in uu furmo wareega Labaad ee Doodda u dhexeysa labada dal waxaana Suurta gal ah in uu noqdo Wareegii ugu Dambeeyay ee Dacwadda ka Socota maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda.

Isniintii ayey Maxkamaddu ku dhawaaqday in Soomaliya ay ka jawabto Sheegashada Kenya ay ku Xustay jawaabtii u Dambeeysay ee ay maxkamadda geeysay taas oo Soomaaliya laga Doonayo in ay Soo dhameeystirto ugu Dambeeyn Bisha jun ee Sanadkaan.

“Maxkamaddu waxay go’aanka soo saartay iyadoo xisaabta ku darsaneeysa Aragtiyada labadda dhinac iyo caqabadaha ay leedahay Dacwadda Badda, Dib u dhac Hanaanka ah ayaa keenay Go’aan dheeri ah”  ayaa lagu yiri War maxkamadda kasoo baxay.

2 dii Bishaan Feebaraayo ayaa Garsoore ka Tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda wuxuu aqbalay Doodii Kenya ee Wareega Labaad.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa Markale waxaa ay Heli karaan Fursad ay Maxkamadda horteeda ug Doodaan.

Sanadkii 2014 kii aya aSomaaliya waxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda waxay u gudbisay Dacwad ka dhan ah Xuduudda Badda oo Dowladda Kenya ay ku Soo Bad gudubtay dhinaca Soomaaliya.

Cabirka Badda ee Kenya ay kusoo Xad gudubtay ayaa Gaaraya 100 KM oo laba jibaaran .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.