Ciidamada Dowladda Oo Ka Soo Baxay Deegaano Ay Kala Wareegeen Al-Shabaab

ciidan

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay dib uga baxeen deeganadii Shalay ay Al-Shabaab kala wareegeen kadib howlgal ay sameeyeen.

Ciidamada Dowladda oo garab ka helayay kuwa Cadaan ah ayaa arroornimadii hore ee Isniintii shalay waxa ay weerar ku qaadeen tuulooyin hoostaga Afgooye sida Bariire,Awdheegle iyo tuulooyin kale oo ay la wareegeen.

Guddoomiye Ku Xigeenka Shabeellaha Hoose Cabdfataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu burburiyay Koontoroolo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab isla markaana tuulooyin farabadan ay isku ballaariyeen Ciidamadu.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay dib uga soo laabteen deegaanadii ay la wareegeen isla markaana ay haatan ku sugan yihiin Al-Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.