Al-Shabaab oo maaliyiin doolar ka hela gargaarka Soomaaliya loogu tala-galay

Al-shabaab ayaa la sheegay in Malaayiin Dolar ay kasameeyaan Sanad kasta Gar-gaarka shisheeye ee Soomaaliya la siiyo gaar ahaan gargaarka ay Bixiyaan Wadamadda Reer galbeedka ee doonaya in ay Al-shabaab Ciribtiraan.

TV-ga CNN-ka ee Mareeykanka laga leeyahay ayaa baahiyay in Baaritaan uu sameeyay uu shaaca ka qaaday in lacago QM ay si toos ah u siiso  Dadka Gudaha ku barakacay ay ku Dambeeyaan Gacanta Al-shabaab.

TV-ga oo soo xiganaya masuul ka Tirsan hay’adda sirdoonka Soomaaliya oo uu sheegay in uu horay uga tirsanaa Al-shabaab ayaa Tilmaamay in Al-shabaab Kumanaan Dolar Maalintii ka Sameeyaan Canshuur ay ka qaadaan gargaarkaasi.

Warbixin dheer ee uu qoray TV-ga ayaa lagu sheegay in arintaan ay dhabar jab ku tahay qorshaha lagu ciribtiraayo Dagaalamayaasha Al-shabaab, gargaarka ay shabaab lacagta ku helaan ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay ilaha dhaqaalo ee wanaagsan Al-shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.