Hargeyso oo lagu xeray dad ka ganacsanayay Diinka

Wararka laga helaayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in laamaha amaanka ee Soomaaliland ay xabsiga dhigeen ku dhawaad 9 qof oo lagu eedeeyay in ay ka ganacsanayeen xeywaanka Diinka.

Diinka oo aanan lahayn cago uu kaga baxsado dadka ayaa dhawaanahan waxaa lagu hayay ugaarsi ba’an kadib markii sida la sheegay loo heley suuq.

Wasiirka wasaarada deegaanka ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil ayaa wariyeyaasha u sheegtay in ay soo badbaadiyeen 6 diin kuwaas oo hadda lagu xanaanaynayo gudaha wasaaradda deegaanka ee Soomaaliland.

Arintaan ayaa imaaneysa ka dib markii Soomaaliland ay horay u mamnuucay ka ganacsiga Diinka iyo ugaarsigiisaba, Diinka ayaa waxa uu ka mid yahay xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya gaar ahaan dhulka Soomaalida

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.