Xaalada degaanka war-mooley oo saakay degan,kadib dagaal ka dhacay degaankaasi

buundo

Wararka naga soo gaarayo deegaanka War-mooley oo u dhaxeeya Degmooyinka  Ceelbuur iyo Dhuusamareeb oo kawa tirsan gobalka galgaduud ayaa  sheegaya in saakay xaalada degantahay kadib markii shalay gelinkii dambe uu  dagal ku dhaxemaray al shabaab iyo dadka degaanka.

Dadka degaanka ayaa sheegay in saakay ay Cabsi badan ay qabaan,maadaama Shabaab iyagu aan ka fogeen degaaanka.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa bilaabay in ay u gurmadaan Dadka Shacabka ee la dagaalamay Al-Shabaab.

Dagaalkii Shalay ee dhexmaray Dadka Degaanka iyo Al-Shabaab ayaa waxaa la Sheegay inuu salka ku haayo labo arin oo kala ah, tababar la sheegay in ay Al-shabaab doonayaan in loo sameeyo odayaasha iyo dadka da’da ah si ay uga qayb qaataan dagaalada shabaab iyo dilka Lobo qof oo shacab ah oo ay Shabaab fuliyeen.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Xiligan waxaa ay kordhiyeen cadaadiska ay u geysanayaan dadka ku nool gobalada dhexe ee Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.