Axmed Madoobe oo ka hadlay muranka ka jira Maqaamka Muqdisho

Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” hogaamiyaha Jubbaland  oo ka qayb-galayay xaflad sagootin ah oo xalay loogu sameeyay Muqdisho madaxda maamul gobaleedyada ayaa ka hadlay Maqaamka Caasimadda oo waqti badan soo jiitameysay.

Axmed Madoobe, waxa uu sheegay Maqaamka Caasimadda in mar walba meel loo jiido oo mararka qaar lagu eedeeyo in ay heystaan Madasha iyo Baarlamaanka aysan xal ahayn, wuxuuna tilmaamay arrintan in ay tahay mid Dastuuri ah, muhiimna ay tahay in la qaxeexo Maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqidsho iyo mida Gobolka, qof walba oo Soomaali ahna ay dan ugu jirto.

Ilaa hada waxaa muran ka taagan maqaamka Muqdisho, waxaana khilaafkii ugu dambeeyay ee arintaan la xariirta xilkiisa ku waayay Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.