Duqa muqdisho oo xaflad sagootin ah u sameeyay Madxda maamul gobaleedyada.

Munaasabadaan o ahayd mid lagu sagootinayay madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira kuwasi oo u yimid muqdisho shirka amniga islamarkaana lasoo xerayay shirka amniga Qaranka ayaa waxa uu ka dhacay aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira marka laga reebo madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa xaadir ku ahaa kulanka, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre.

Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalda muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in shirka amniga lagu go,aamiyay in si wada jir ah loola dagaalamo burcada dhaceysa kheyraadka alle uu dhex dhigay Badda Soomaliya.

Madaxweynaah maamulka Hirshablle Maxmaed Cabdi Waare ayaa hoosta ka xariiqay in madaxda dalka iyo kuwa maamul gobaleedyada ay qaadeen tilaabadii ugu horeysay oo ay kula wareegayaan amniga guud ee dalka.

Madaxweynaha maamulka galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Cambaareeyay in madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jiraya ay ka go,antahay in ay isku furan dalka intiisa kale.

Sidoo kale Madaxda ka qayb gashay shirka ayaa soo jeediyay talooyin amni iyo mid ku aadan ka faa’ideysiga Khayraadka dalka ku jira

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.