Meydad Al-shabab oo lagu arkay Kenya

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay heleen meydadka 3 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo la tilmaamay inay ku dhinteen weerar ay kuqaadeen saldhig booliska ay ku leeyihiin gobolka Wajir ee waqooyi bari dalkaasi.

Taliyaha booliska gobolka Wajir Stephen Ngetich ayaa sheegay in 3daas dagaalame ay ku dhinteen dagaal socday laba saacadood oo u dhaxeeyay Al-shabab iyo ciidamada Kenya oo ka dhacay saldhiga booliska ee Kutulo.

Taliyaha ayaa xusay in dagaalamayaal kale oo Al-shabab ah ay u baxsadeen dhinaca Keymaha.

Taliye Stephen Ngetich ayaa tilmaamay inay isku baahiyeen dhinaca iyo xuduuda Kenya iyo Soomaliya si loo dabagalo kooxdii kale ee ka baxsatay weerarkaasi.

Booliska ayaa sheegay in ay bilihii lasoo dhaafay ay la daala dhacayeen weeraro Al-shabab uga imaanaya dhinaxa xadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.