Daawo:Maamulada Jaamacada ummada Fareecada Caabudwaaq ,Kan Airporka iyo Dabcasar ayaa waxay Sagootin Usameeyeen Cabdi Waayeel

wayeel

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq Iyo kan Maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Faraceeda Galmudug, ee Degmada Caabudwaaq ayaa Si wada jir ugu qabtay Munaasabado kala duwan oo ay ku sagoontinayaan Cabdi Maxamed jaamac “Cabdi waayeel”.

Cabdi Waayeel ayaa waxuu qayb wayn ka qaatay dhismaha Jaamacada ummada faraceeda Galmudug Caabudwaaq asagoo bixiyey dhamaan dhulka Jaamacada iyo Masjidka, Cabdi wayeel ayaa sadexdii bilood ee lasoo dhaafay ujoogay Magaalada Caabudwaaq Horumarinta Jaamacada ummada Faraceeda Galmudug Iyo ka qayb qaadashada is dhexgalka Bulshada.

Cabid Waayeel ayaa manaata waxaa Caabudwaq loogu qabtay Munaasabado kala duwan oo isugu jira abaal Marin Iyo sagootin, Maamulka Garoonka diyaadarada Caabudwaaq ayaa qado sharf usameeyey Cabdi Wayeel, waxuuna uga mahadceliyey Maamulka Airport shaqada ay u hayaan bulshada.

Dhanka kale waxaa kaloo qado sharaf Iyo abaal marin gudoonsiiyey macalamiinta, maamulka Iyo ardayada jaamacada ummada Soomaliyeed faraceeda Galmudug ee Caabudwaaq waxayna gudoon siiyeen cabdi waayeel hadiyad Kitaab quraan ah. waxaa kaloo uga mahad celiyey Cabdi waayeel boqorka Shanta Soomaliyeed Shiiq Cabdiraxmna Dabcasar shaqada adag ee bulshada usoo qabtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.