Q.M oo soo bandhigtay qodobo lagu yareen karo Abaaraha Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in afar wado lagu yareen karo Macluusha ku soo laalaabatay dadka Soomaaliya Sanadihii ugu danbeeyay.

Warbixintaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Hay`adaha gar gaarka ay la daalo dhaceen sanadihii ugu danbeeyay Abaarihii dalka Soomaaliya ka dhacay.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 5.4 Milyan oo ruux ay hadda u baahanyihiin gar gaar bini aadan nimo oo loo fidiyo, waxaana Qaramada Midoobey ay tilmaantay in dhibaatooyinka faraha badan ee haysta dadka danta yar lagu yareen karo afar qodob.

1-in la bixiyo Cuno iyo lacag kash ah oo lasiiyo dadka la il daran macluusha, si ay ugu maareeyaan noloshooda kuwaas oo ku nool qaar ka mid ah gobolada dalka.

2-Sidoo kale in lala dagaalamo Macluusha, taas oo ay tilmaameen inay tahay midda ugu daran ee haysato dad ugu nugal ee ku jira xeryaha Bara-kacayaasha ah ee ku yaala dalka.

3-in guryo loo sameeyo 1.2 milyan oo ruux oo guryo la`aan ah, kuwaas oo u nogol qoraxda, dhaxanta, iyo roobabkaba.

4-iyo Isbadalka Cimilada oo Qaramada Midoobey ey sheegtay in qeyb ka tahay dhibaatooyinka haysta dadka ku dhibaateysan xeryaha Barakacayaasha ah ee Soomaaliya, kuwaas oo roob la`aanta jirta darteed ay sababtay inay beeran waayaan beerahoodi, abaarhii dalka ka dhacayna ay sababeen in xoolihii ay dhaqanayeen ay ku waayaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.