Mukhtaar Roobow oo dhaq dhaqaaq dagaal kawada Koofur Galbeed iyo jubbaland.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay ugu mid ahaa xubnaha sar sare ee Al-shabaab oo isku soo dhiibay dowlada Soomaaliya ka dib markii khilaaf soo kala dhax galay, asaga iyo Al-shabaab ayaa maalmihii danbe wuxuu waday abaabul dagaal oo ka dhan Al-shabaab.

Shiikh Mukhtaar Roobow oo ku sugan deegaano ka hoos taga Maamulka Koofur Galbeed ayaa wada dhaq dhaqaaqii ugu danbeeyay, wuxuuna hadda wararka aan heleyno ay tilmaamayaan in dhaq dhaqaaqiisa uu ku sii fidaayo qeybo ka mid ah deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Jubalan.

Wadaadkaan ayaa hadda haysta Ciidamo fara badan oo isugu jiro ilaaladiisa iyo kuwoo kale oo ka soo goystay dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana xerooyin ciidan uu ku leeyahay gobolka Bay gaar ahaan meel aan ka fogeen Magaalada Baydhabo,  ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed.

Afayeenka Maamulka Koofur Galbeed Nuurdiin Yuusuf Abuukar  ayaa tilmaamay in jiraan dhaq dhaqaaqa ciidan ee uu wado wadaad diimeedka Mukhtaar Roobow, kuwaas uu ka wado Deegaano hoosyimaada Gobolada Bay, Bakool, Gedo, Jubba-Hoose, Shabeelada Hoose iyo kuwoo kale.

Afayeenka Maamulka Koofur galbeed ayaa tilmaamay in qorshaan uu yahay mid lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro goboladaasi iyo kuwoo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.