Hoyga Gudoomiyihii Hore Ee D/Howl-Wadaag Oo La Weeraray & Wasaaradda Amniga Oo Ka Hadashay.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo xalay lagu qaaday Guriga uu degan yahay Gudoomiyihii hore ee degmada Howl-Wadaag Maxamed Cali Jacfar.

Weerarkaas bambaano ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deriska la ah Gudoomiyihii hore ee Degmada Howl-Wadaag.

Inta la xaqiijiyay bambaanooyinkaas waxaa ku geeriyootay ilaa laba Ruux oo kala ahaa Haweeney Da’a ah iyo Cunug yar halka hal Ruux oo kale uu ku dhaawacmay weerarkaas.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen Cunug Yar iyo Ayeeyadiis kuwaas oo deris la ah Guriga bambaanooyinka lagu weeraray.

Qaraxa kadib ayaa waxaa dadka deeganka ay maqleen rasaas ay ridayeen ilaalada Guriga gudoomiyihii hore ee degmada Howl-Wadaag Maxamed Cali Jacfar walow aan la shaacin khasaaraha ka dhashay rasaastaas.

Kooxdii bambaanoyinka ku weerartay Guriga ayaa Goobta ka baxsaday,waxana weli socda baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay weerarkaas iyo sidii lago ogaan lahaa.

gudoomiyihii hore ee degmada Howl-Wadaag Maxamed Cali Jacfar weli kAma hadlin weerarka bambaano ee lagu qaaday Hoygiisa,waxaana sidoo kale uu ka mid yahay Saraakiisha Ciidamad NISA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.