Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ka shiri doono arimo lagu eedeeyay

goboleed

Bisha soo socota ee March ayaa la filayaa in Magaalada Garowe ay ku kulmaan Golaha iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada kuwaas oo casuumad ka helay madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Golahaan ayaa Magaalada Garowe ku yeelan doono shirkooda labaad kadib markii la aas aasay bishii November sanadkii tagay, xiligaas oo madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxda Dowlada Dhexe uu kala dhaxeeyay khilaaf Siyaasadeed oo dib loo xaliyay.

Shirkaan ayaa la ogeen waxa looga hadli doono, laakiin warar hoose  ayaa tilmaamaya shirkaas ka furmaya bisha soo socota magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland in ay ugu hadli doonaan Golahaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada arimo la xariiro dhaqan gilinta qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaran oo maalmihii aan ka soo gudubnay ka dhacay Muqdisho.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa horay loogu eedeeyay in aysan dhaqan gilinin qodobada ka soo baxa shirka ay yeeshaan Golaha Amniga Qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.