Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo u hambalyeeyay Ciidamada Badda oo 53 jirsaday

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas Cabdiwali Jaamac Gorod ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo Maalinta u dabaal degaya Sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii.

“waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda ku beegan” ayuu yiri S/guud Cabdiwali Jaamac Gorod

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-ki, waxaana Munaasabad maanta ay ku xusayaan sanadguuradooda 53aad oo la filayaa inay ka qeyb galayaan Madaxda sare ee dalka iyo Saraakiisha Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.