Wabiga Shabeelle oo guray iyo dhibaato ka taagan Baledweyne

wabi
Wabiga Shabeelle oo ah Wabiga Labaad ee ugu dheer Dalka Soomaaliya ayaa guray , iyadoo kumanaan ruux ay saameen ku yeelatay biyo la’aanta Wabiga Shabeelle.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin maamulka gobolka Hiiraan Wabiga ayaa guray, waxaana uu sameyn ku yeeshay bulshadda kunool Magaalada Baledweyne.

Biyo la’aanta Wabiga Shabeelle ayaa waxa ay dhibaato ku tahay kumanaan Qoys oo ku nool hareeraha Wabiga Shabeelle, kuwaas oo noloshooda ay ku xirneyd Biyaha Wabiga.

Dadka ay saameeyeen Biyo la’aanta Wabiga ayaa inta badan waxa ay degan yihiin tuulooyin hoosyimaada Magaalada Baledweyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne Maxamed Cusmaan Qalaafow oo ka hadlay dhibaatada guridda Webiga ayaa sidoo kale sheegay in xataa ay gureen ceelashii Biyaha waxaana uu Hay’adda Gargaarka ugu baaqay in la caawiyo dadka kunool Magaalada Baledweyne.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in tuuladda Ceelgaal Biyaha looga keeno Magaalada, islaamarkaana Fuustaddii Biyaha ay Magaalada ka marayso ku dhawaad 60 kun oo Shilin Soomaali ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.