Daawo:Labo Gabdhood oo kusii jeeda Caabudwaaq ayaa Burcad Ku dhaawacday Gobolka Shabeelada Dhexe iyo Xildhibaan Geele oo Booqday

isbitaal

Waxaa Isbitaalka Magaalada Baladwayne la keenay dhaawac labao gabdhood oo lakala yiraahdo Falis Faarax Xasan Iyo Xamdi Maxamed Jaamac oo dhaawac Culus ka soo gaaray Wajiga kadib markii dad lagu sheegay Burcad ay raas ku fureen mar ay maraayeen degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, Gaari waday gabdhahaan Iyo dad kale oo shacab ah kusii jiideen magaalada Caabudwaaq ayakoo kasoo baxay Magaalada Muqdisho.

Dhaawaca Labadaan gabdhood ayaa ah mid aad u liita waxaana isbitaalka Ku booqday Xildhibaan Geele Warsame Isaaq ooo kamida Barlamanka Hirshaabeele ayaa waxuu kusoo booqday isbitaalka Magaalada baladwayne wuxuuna sheegay falka gabdhahan lagu dhaawacay uu yahay aan la aqbali Karin.

Xildhibaan Geele ayaa sheegay inuuu bixinayo Tikitka Diyaarada gabdhaha loogu qaadayo magaalada Muqdisho madaama aan Baladwayne wax looga qabain Karin, waxuu kaloo ka kacodsaday Bulshada Baladwayne Iyo Maamulka in gabdhahan lacaawiye madaama deegaanka Hirshabeele Dhaawac kusoo gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.